Golaha Wakiillada Jubbaland oo Axmed Madoobe siiyey wakhti uu ku soo magacaabo Wasiirradiisa

Golaha Wakiillada Jubbaland oo kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayaa u codeeyay in wakhti dheeraad ah la siiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirrada.

Kalfadhiga 1-aad fadhigiisii 5-aad oo ay xaadireen 61 Xildhibaan ayey si aqlabiyad ah oo gacan taag ah ugu codeeyeen in Axmed Madoobe uu waqti dheeraad ah u helo Magacaabista Golaha Wasiirrada cusub ee Jubbaland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo labo bil ah lagu kordhiyay muddada lagu soo magacaabayo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Doorashadii diidmada ay kala hortagtay Dowladda Federaalka ee Kismaayo ka dhacday 2024-kii, waxaa dib usoo noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, halka ku xigeennadiisa uu dib usoo magacaabay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiday doorashadaas November ee sanadkii hore, balse Maamulka Axmed Madoobe ayaa dhegaha ka fureystay, isaga oo qabsaday xafladda lagu caleemo-saarayo si lamid ah sanadihii hore uu sidaan oo kale doorasho u qabsaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed