Masar iyo Soomaliya oo kulan ka leh howlgalka cusub AUSSOM

Soomaliya iyo Masar ayaa kulan gaar ah ka leh ciidanka Xukuumadda Qaahira ay uga qaybqaadaneyso howlgalka midowga Afrika ee AUSSOM, waxaana mas’uuliyiin ka socda labada dal si ay u saldhigi doonaan qorshahaas.

Kulan laba cisho socon doona ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya sheegtay in Bishaan bartamaheeda ay uu ka dhici doonno magaalada Qaahira, isaga oo diiradda lagu saari doono howlgalka cusub ee AUSSOM ee billowday sanadkaan 2025.

Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad oo xaqiijiyay kulankaan ayaa sheegay in madaxda sare labada Dal ay kawada xaajoon doonnaan sidii loo xoojin lahaa howlgalkaan cusub ee AUSSOM, kaasi oo Qaahira ku hanweyn tahay in kaalin muuqato ka ku yeelatol.

Xukuumadda Qaahira oo cad u soo dalbaday in ay qeyb ka noqdaan howlgalkaan ayaa dooneysa in ay kaalin ka qaadato howlgalkaan cusub.

Soomaaliya iyo Masar ayaa horay ugu heshiiyey in 10-kun oo ka mid ah ciidamada Qaahira ay dalka yimaadaan, iyaga oo shan kun oo ka mid ah ay ka madax banaanaa doonaan howlgalka AUSSOM.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisi ayaa dhowaan Wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay in Dowladdiisa aanay Soomaaliya u taageereyn colaadda kala dhaxeysa Itoobiya darteed, balse uu yahay mid soo jireen ah.

Sida oo kale masuuliyiin dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Masar ay kaga faa’iideysan doonto dhanka tababarida iyo la howlgalidda ciidamada qaranka.

HBN ONNLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed