Somaliland oo ka hadashay shil sababay khasaaraha dhimasho oo ka dhacay Hargeysa

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Somaliland Cismaaciil Yuusuf Ducaale iyo masuuliyiin kale ayaa booqday Isbitaalka weyn ee Hargeysa, ka dib shil khasaare dhaliyey oo maanta ka dhacay magaalada.

Masuuliyiinta Isbitaalka Weyn ee Hargeysa oo ka warbixiyey ardada la soo gaarsiiyey eedhaawac ah ayaa sheegay in dhacdadii shilka baabuur uu sababay ay ku geeriyootay hal arday, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen oo qaarkooda fududaayeen.

Dhaawaca 3 ka mid ah sideeda ruux oo dhamaan hablo ah ayaa la sheegay in uu mid aad culus yahay dhaaweceeda.

Wasiir Ducaale oo u tacsiyeey ehelada iyo Iskuulka ay ardayada dhimatay dhiganeysay ayaa sheegay in dhacdada ay tahay mid naxdin leh oo soo gaartay bahda waxbarashada guud ahaan.

Saraakiisha dab-damiska Somaliland oo ka hadlay dhacdaan ayaa sheegay in goobtaa shilku ka dhacay ay gurmad degdeg ah u fudiyeen, iyaga oo ku wargaliyey darwalada inay dhimaan xawaaraha gaadiidka, marka ay marayaan goobaha caruurta sida dugsiyada oo kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed