Dood ka taagan ganacsade ajanabi ah oo la sheegay in loo “xiray” dhoofinta xoolaha

Cabasho adag ayaa ka taagan xaaladda suuqa dhoofka xoolaha ee Soomaaliya, ka dib markii la sheegay in dhoofka xoolaha loo xiray nin ajanabi ah, inkastoo arinkaasi aan si buuxda lo o shaacin.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan warbaahinta ula wadaagay in ay si wayn uga soo horjeedaan tilaabada ganacsade magaciisa lagu sheegay Abuu Yaasir loogu xiray dhoofka xoolaha Soomaaliya.

Sida oo kale ganacsatada oo badi ka soo jeeda Somaliland ayaa ku eedeyey madaxda dowladda Soomaaliya inay nin ajanabi ah ugacan galiyeen mid ka mid ilihii dhaqdhaqaaqa dalka.

Dhanka kale liis ay ku qorannaayeen xildhibaano ku dhow 100 ayaa sheegay in ay cambaareynayaan tilabadaasi, inkastoo qoraalkaasi aysan ku saxiixnayn xildhibaanada magacyadoodu ku xusan yihiin oo tiradoodu dhan tahay 97 mudane oo labada aqal ee Baarlamaanka dalka ka kooban.

Xubnahaan ayaa andacooday in ninka loo gacan galiyey dhoofka xoolaha Soomaaliya uu taariikh aan fiicneyn ku leeyahay dalka, isaga oo ay ku eedeyeen boob iyo dhac uu u geystay sida ay hadalka udhigeen ganacsato Soomaaliyeed, HBN ONLINE TV ma hubto eedeynta xildhibaannada waraaqda magacyadooda lagu qoray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed