Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xarun ay yeelan doonaan Culimada dalka

Ra’iisul wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarun ay yeelan doonaan Golaha Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xaruntan ay saldhig u noqon doonto masaa’isha diiniga ah ee loo baahan yahay in loo iftiimiyo dadka Soomaaliyeed.

Xamse ayaa xusay in bulshada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa jecel diintooda, isla markaana ay culimadu waligoodba horseed ugu ahaayeen, iyada oo taas laga duulayana la hirgeliyey xaruntan oo baahi weyn loo qabay xilligan.

“Mashaariicda dadka Soomaaliyeed sida weyn ugu baahnaayeen ayey ka mid tahay xaruntan Daarul Iftaa, waxaanna rajeynayaa in uu mashruucani uu noqdo mid guuleysta, kana shaqeeya midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sida oo kale Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka hirgelinta xaruntan, isaga oo xusay in lagu dhisayo iskutashi oo aysan jirin wax kaalmo dibedeed ah oo lagu maalgelinayo.

Munaasabadda dhagax-dhigga xaruntan cusub waxaa sidoo kale goobjoog ahaa qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay in golahooda loo dhiso xarun u gaar ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed