Soomaaliya oo xaqiijisay in xal laga gaaray Khilaafkii Itoobiya kala dhexeeyey iyadoo laga ambaqaaday Diblomaasiyad iyo Ixtiraamka Madaxbannaanida dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in khilaafkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya lagu xalliyey sida hadalka uu u dhigay hannaan diblomaasiyad, iyadoo la tixgeliyey mabda’a ixtiraamka madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wareysi uu siiyey Al Jazeera, Wasiirka ayuu shaaca kaga qaaday in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay cidda kaliya ee awoodda u leh inay heshiisyo sharci ah la gasho dowlado kale.

Sidoo kale, waxa uu xusay in arrinta isticmaalka biyaha Soomaaliya ay noqon doonto mid u jeeddo ganacsi oo kaliya leh, taas oo si faahfaahsan looga wada hadli doono bisha Febraayo, iyadoo la adeegsanayo guddi farsamo oo wadajir ah oo labada dhinac ka kooban.

Wasiirka ayaa tilmaamay in bayaankii ka soo baxay magaalada Ankara uu meesha ka saaray is fahamkii Itoobiya la saxiixatay Somaliland.

“Bayaanka Ankara wuxuu xaqiijiyey in heshiis kasta oo sharci ah lagu gaaro, iyadoo loo marayo dowladda federaalka Soomaaliya oo ah cidda kaliya ee awoodda u leh inay saxiixdo heshiisyo heer qaran.” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in isku daygii Itoobiya ee ahaa inay hesho marin milatari oo ku yaalla biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed uu khatar ku ahaa xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya, sida hadalka uu u dhigay.

Wuxuu sheegay in diblomaasiyadda Soomaaliya ay ku guuleysatay inay soo afjarto damaca Itoobiya,halka aan wax tanaasul ah laga sameyn xuquuqda qaranka.

“Bayaanka Ankara wuxuu ahaa guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya. Waxa lagu heshiiyey in Itoobiya aysan helin marin milatari, laakiin loo oggolaado kaliya isticmaal ganacsi oo biyaha Soomaaliya ah,” ayuu yiri markale Fiqi.

Sidoo kale, wuxuu xusay in ururo ay ka mid yihiin Midowga Afrika, IGAD, Ururka Iskaashiga Islaamka, Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, oo ay ka mid yihiin dalalka Sacuudiga, Masar, Mauritania, Baxrayn, iyo Jabuuti, ay taageereen mowqifka Soomaaliya, halka dalal kale oo ay ka mid yihiin Maraykanka ay ku baaqeen in la ixtiraamo madaxbannaanida Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in Soomaaliya aysan aheyn sidii ay aheyd 10 ama 20 sano ka hor, laakiin hadda ay tahay dal madax-bannaan oo awood leh.

“Sanado badan waxaa jiray xadgudubto nalagu sameynayay sababo la xiriira daciifnimada xagga dawladnimada, laakiin maanta waxaan rabnaa in adduunku u arko Soomaaliya inay tahay dal cusub oo xor ah oo leh awood buuxda,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku adkeeyay in Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo u taagan difaaca xuquuqdiisa, taasi oo wadahadal iyo diblomaasiyad loo adeegsaday xallinta khilaafka Itoobiya.

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay si buuxda u taageerto xuquuqda shacabka Falastiin ee ku aaddan sameynta dowlad madax-bannaan. Isagoo ka hadlayey xaaladda Gasa, wuxuu sheegay in dagaalka la joojiyo, shacabka reer Falastiinna si nabad ah loogu celiyo guryahooda laga barakaciyey.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi, wuxuu ka halday arrimaha isbeddelka maamulka ee Suuriya, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso maamulka cusub ee Suuriya, isla markaana ay rajeynayaan in kulamo heer sare ah ay dhawaan dhex maraan labada dal.

Wuxuu cadeeyey in xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac uu yahay mid xasilloon, iyadoo Suuriya ay aheyd waddankii kaliya ee qaxootiga Soomaaliyeed u furay albaabada, ka dib burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay awood ay ku ilaashato danaha qaranka, halka ay dunida ugu baaqayso inay Soomaaliya uga tixgeliso aragtida maanta ee ah “dal madax-bannaan” oo leh xuquuq buuxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed