Puntland oo diyaar garow xooggan ugu jirta sifaynta kooxda Daacish ee gobolka Bari

Puntland ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta howlgal militari oo ay ku doonayso inay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari uga saareyso kooxda Daacish oo si xooggan isugu fidisay degaannadaas.

Mas’uuliyiin sar sare oo katirsan saraakiisha ciidamada halkaas kula hadlay ciidanka ayaa ku boorriyay in loo diyaar garoobo hawlgallo waaweyn oo sida warka loo dhigay lagu baacsanayo kooxda Daacish ee Puntland ku sugan.

Puntland oo soo bandhigtay Ciidamo aad ugu hubeysan gaadiid dagaal oo loogu magac daray Hilaac ayaa la soo wariyey inay ku sugan yihiin degaannada bariga fog ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo toddobaadyo ah ku sugan gobolka Bari ayaa maamulku sheegay inuu hoggaamin doono qorshaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Daacish.

Madaxweynne Deni ayaa dhawaan sheegay in kooxda Daacish ay halis weyn ku tahay amniga Puntland, isagoo ku celceliyay sida ay muhiimka u tahay in la soo afjaro sida uu qabo qatarta ay kooxaha argigixisadu ku hayaan ammaaanka Puntland.

Sirdoonka Maraykanka ayaa dhawaan walaac xooggan ka muujiyay kororka dagaal-yahannada ajanebiga ah ee Daacish ee ku sii qulqulaya buuralayda gobolka Bari, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago.

Sida oo kale gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan kooxda Alshabaab oo gabaad ka dhigta buuraha waaweyn ee Calmadow.

Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu ciidamada Puntland ka taageero duqeymaha ka dhanka ah Daacish inta uu howlgalku socdo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed