Kooxda Alshabaab ayaa si rasmi ah u qirtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ay sheegeen in diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Kuunyo-Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Maxamed Maxamuud Jaamac Mire, oo ka mid ahaa madaxda sare ee kooxda.
Maxamed Maxamuud Jaamac Mire oo loo gara ogyahay Maxamed Mire oo ahaa mid ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa Alshabaab ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Amiirka Guud ee Maktabka Sakawaadka iyo Waaliga Gobolka Hiiraan ee kooxda.
Maxamed Mire ayaa la sheegay in hadda xilka uu ka haayey kooxda uu ahaa madaxa gobollada iyo arrimaha siyaasadda.
Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo ku saabsan duqeyntan lagu bartilmaameedsaday Alshabaab.