Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo labo maalmood qaadatay oo uu ku joogay magaalada Asmara, isaga oo wada-hadallo ballaaran la yeeshay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, labada hoggaamiye waxay hoosta ka xarriiqeen in nabadda iyo xasilloonida waarta ee Soomaaliya ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah xasilloonida guud ee Gobolka Geeska Afrika, Webiga Niilka, Badda Cas, iyo Gacanka Carabta.
Madaxtooyada dalka Eritrea ayaa ku sheegtay kulanka ku soo idlaaday Asmara mid ay ka soo bexeen qodobo mira dhal ah oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne Isaias Afwerki ay isla meel dhigeen, kuwaa oo quseeya danaha shucuubta labada dal.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xili wasaaradda Arimaha Dibedda Eritrea ay sheegtay in dalkeedu ka xun yahay heshiiskii Ankara ee Soomaaliya kula gashay Itoobiya.
Bishii Oktoobar, hoggaamiyeyaasha Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya oo shir saddex geesood ah ku yeeshay Asmara halkaas ayaa ku gaaray heshiis kor loogu qaadayo tayada hay’adaha iyo ciidammada Soomaaliya si ay u ilaaliyaan xuduudaheeda, iyo ilaalinta midnimada dhuleed.
HBN ONLINE TV