Duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose oo lagu dilay madaxii Alshabaab ee Gobollada iyo Siyaasadda

Wararka ka imaanayo deegaanka Kuunyabarrow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday lagu dilay guddoomiyihii kooxda Alshabaab u qaabilsanaa sida hadalka loo dhigay gobollada iyo arrimaha siyaasadda.

Duqeynta ka dhacday deegaanka Kuunyabarrow oo ay fulisay Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaamay in lagu dilay xalay saqdii dhexe Horjooge Maxamed Mire oo dowladdu ku sheegtay shaqsi si gaar ah loo dooneyey, ka dib cashooyin ka soo gaaray dadka deegaanka.

Sida oo kale DFS ayaa carrabowday in inta howlgalku uu socday ay la dhinteen horjoodaha Alshabaab ee gobollada iyo siyaaasadda koox la tilmaamay inay ilaalo u ahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ma sheegin xog ka baxsan intaasi iyo waxa kale ee uu qaba jiray Horjooge Maxamed Mire, iyada oo kooxdu dhowrkii todobaad ee la soo dhaaafay wayday xubno muhiim ahaa oo ku lagu kala dilay Bartamaha iyo Koonfurta dalka.

Hadalkan waxaa uu kusoo aadayaa xilli ay NISA ay sheegtay inay soo afjartay sida ay hadalka u dhigtay kooxdii qaraxyada Alshabaab u u qaabilsaneyd Muqdisho, iyada oo muuqaalka ay soo bandhigtay ku sheegtay in la soo gabagabeeyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed