Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed uu yahay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka Somaliland.
Waxaa uu sheegay in Agaasimaha oo uu ku xushay Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu guda karo sida uu hadalka u dhigay mas’uuliyadda loo igmaday.
Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa horey u soo noqday Wasiirkii Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, isaga oo hadda noqdaya Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka ee NIA.
HBN ONLINE TV