Jubbland ayaa waxaan la aqbali karin ku sheegay hakin lagu sameeyey diyaaradaha rayidka ah ee aada deegannada maamulkaasi, ka dib markii DFS halis ku tilmaantay inay ku soo korortay hawada oo diyaarad la afduubtay.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdiftaax Mukhtaar oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa X ayuu ku sheegay in Xayiraadda lagu soo rogay duullimaadyada Kismaayo iyo dhammaan garoomada diyaaradaha ee Jubaland ay caqabad weyn ku tahay nolosha iyo isu socodka dadkeennadooda.
Sida oo kale wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in la qaaday sida uu hadalka u dhigay oo aan loo meel dayin lagu la xisaabtami doono Dowladda Federaalka ah.
“Talaabadan aan loo meel dayin ayaa ah mid aan la aqbali karin, waxaana lagula xisaabtami doonaa Dowladda Federalka Somaliya” ayuu yiri
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shalay garoonka diyaaraha Kismaayo ay Jubbland sida hadalka ay u dhigtay ka afduubatay diyaarad rayid ah, iyada oo laga jaray xiriirka qadka oo halis galisay dhamaan rakaabkii saarnaa.
HBN ONLINE TV