Dowladda Itoobiya ayaa gaashaanka u duruurtay hadal dowladda Soomaaliya ka soo baxay oo lagu eedeeeyey in Ciidamadeeda weerar ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Xoogga dalka ku lahaayeen degmada Doolow ee gobolka Gedoo, halkaasi oo ay ku dileen ciidamo qaarne ay ku dhaaweceen.
Itoobiya ayaa sheegtay in aanay run aheyn sida ay hadalka u dhigtay eedda kaga timid Wasaaradda arimaha dibedda Somaaliya. Sida oo kale Addis Ababa ayaa ku tilmaantay dhacdadii shalay mid ujeedkoodu tahay in ay meesha looga saarro in uu caadi noqdo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya.
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay jirto gacan seddexaad oo ku tala jira inay khalkhal galiso xasiloonida Geeska Afrika, kuwaa oo ay carrarbka ku dhufatay inay yihiin qaswadayaasha nabadda gobolka.
“Waa in aan loo oggolaan in ay fashiliyaan ballan-qaadka labada waddan ee nabadda sida ku cad Baaqa Ankara” ayaa lagu yiri warka Itoobiya.
Dhanka kale, Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto la shaqeynta hay’adaha ay khuseyso ee dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago shilalka nuucaan oo kale ah inay dhacaan.
War Saxafaadeedka Xukuumadda Addis Ababa ayaa dhowr jeer lagu soo celceliyey
In la ilaaliyo ballan-qaadkii heshiiska Ankara, kaasi oo ah soo noolaynta iyo qoto-dheeraynta xidhiidhkii walaaltinimo ee labada dal, iyada oo la tixraacayo Baaqii Ankara.
Ugu dambeyn bayaanka ayaa lagu sheegay inay sii wadi doona xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo iskaashiga ballaaran ee gobolka.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ka aamusi doonin ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad-ku-wada-noolaanshaha gobolka.
HBN ONLINE TV