Maamulka Galmudug ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen xubin xalay saqdhexe magaalada dhuusamareeb ku dilay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaailya, gaar ahaan qeybta ka howlgasha gobolka Galgaduud.
Taliyaha Saldhigga Booliiska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanayaal loo soo qabtay dilkii xalay loo geestay marxuum Laba Xidigle Xasan Quuri oo ka tirsaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee qeybta Galmudug.
Waxaa uu sheegay in waxaan maangal aheyn loo dilay marxuum, inkasta oo uusan faahfaahinta dulucda macduusha iyo xogta ku xeeran.
Sida oo kale Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa dhankiisa carrababaay in cidii dembigaas geysatay oo hadda gacanta laamaha amniga ku jirta lagu qaadi doono.
Magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah maamulka Galmudug ayaa sidaan oo kale dhowr jeer waxaa uga dhacay dilal lala xariiriyey aanooyin qabiil, iyada oo maalmihii ugu dambeeyey dadka ku nool ay ka cabaneyeen magaalada ay soo galeen dad sifo aan munaasab aheyn ku dhex wata hub.
HBN ONLINE TV