Soomaaliya oo sheeggtay in aysan ka aamusi doonin falka Ciidamada Itoobiya ay geysteen degmada Doolow ee Gedo

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in falka xadgudub ah maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya, iyada oo si adag u cambaaraysay.

Warka ayaa lagu sheegay in Saaka abaare 10-kii suabaxnimo ay Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah ku soo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.

DFS oo Weerarka ku tilmaantay in uu muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayaa carrabka ku dhufatay in Ciidamada Itoobiya ay ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.

Dowladda ayaa tilmaantay in weerarkaasi intii uu socday ay Ciidamada Itoobiya dil iyo dhaawac u geysteen Ciidamada Qaranka.

“intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, Sidoo kale waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka DFS.

Sida oo kale waxaa warka la sii raacaiyey in uu ku soo aadayo xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa.

“Nasiib-darro, ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya waa kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan ka aamusi doonin ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad-ku-wada-noolaanshaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed