Dagaal u dhexeeya Ciidamada Itoobiya oo garab siinaya Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka oo ka socda Doolow

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland oo garabsanaya ciidamada Itoobiya ayaa ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo, iyada oo dagaalku weli ka socdo gudaha magaalada, saldhiga booliiska iyo garoonka.

Taliyaha ciidanka Nabad Sugida ee gobolka Gedo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baladxaawo ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Itoobiya ay ku jiraan dagaalka ka socda gobolka Gedo. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay dhawaan gurmad u diri doonaan gobolka Doolow.

Dhinaca kale, Jubbaland war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in wafdi ka socda ay gaareen magaalada Doolow, isla markaasna ay ka hortageen sida warka ay u dhigtay ciidamada dowladda oo isku dayay in ay hor istaagaan.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Arrintan ayaa ku soo aadaysaa xilli saraakiisha ciidamada Soomaaliya sheegayaan in ciidamo Itoobiya ay maanta ka qayb qaateen dagaalkii ka dhacay Doolow ee dhexmaray ciidamada dalwada federaalka & kuwa Jubbaland.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed