Boqolaal askartii Kuuriyada Waqooyi u dirtay dagaalka Ukraine oo ku dhintay dagaaladii u dambeeyay

Taliska Guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta sheegay in in ka badan 1,100 askari oo ka mid ahaa ciidamadii Kuuriyada Waqooyi u dirtay dagaalka Ukriane si ay u caawiyaan Ruushka lagu dilay dagaalladii u dambeeyay ee ka dhacay furimaha hore ee dagaalka.

“Waan qiyaasaynaa in ku dhowaad 1,100 askari oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay oo dhowaan ka qayb qaatay dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ukraine ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalka,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Kuuriyada Koonfureed.

Warka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in la ogaaday diyaargarow muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay qorsheyneyso inay ciidamo cusub u dirto Ruushka si ay ugu noqdaan gurmad ama ay beddelaan kuwa hadda dagaalamaya.

Taliska Guud ee Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sheegay in xogta ay uruuriyeen ay tilmaamayso in Kuuriyada Waqooyi ay u diraysay Ruushka diyaaradaha is miidaamiya iyo sidoo kale rasaasta hoobiyayaasha cabirkoodu yahay 240mm iyo madaafiicda 170mm.

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa arka in Kuuriyada Waqooyiga ay doonayso inay horumariso awooddeeda dagaalka caadiga ah iyada oo ka faa’iidaysanaysa khibradda Ruushka ee dagaalladiisa ka dhanka ah ciidamada Ukraine. “Tani waxay horseedi kartaa kororka khatarta milatari ee Kuuriyada Waqooyi ee naga soo wajahan,” ayuu lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed.

Dalalka Reer Galbeedka ayaa sheegaya in kumanaan askari oo ka socda Kuuriyada Waqooyi loo diray Ruushka toddobaadyadii la soo dhaafay si ay u taageeraan ciidamada Ruushka. Ruushka mar kasta oo wax laga weydiiyo arrintan, waxay ka meermeeraan ka hadalkeeda, iyagoo ka gaabsanaya inay xaqiijiyaan xogtan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed