Garoonka Diyaaradaha degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa inay ka degtay diyaarad siday madax ka tirsan Jubaland, halkaasi oo ay ku soo dhaween masuuliyiinta magaalada.
Wararka ka imaanaya Doolow ayaa ku soo waramaya in la cabsi qabo inuu dagaal halkaasi ka qarxo kaasi oo u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka oo si aad ah isugu haaya siyaasadda gobolka Gedo.
Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegaya in magaalada qarka ay u saaran tahay inay xabad ka bilaabato, ka dib markii diyaarad Ciidan iyo xildhibaano katirsan golaha wakiillada Jubbaland siday ay ka degtay Doolow.
Sida oo kale, Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in Ciidanka Nabad sugida iyo Booliska ayaa is hor istaag ku samaayeen xubnaha soo gaaray, iyada oo xaaladdu tahay mid adag.
Masuuliyiin ka kala socda DFS iyo Jubbaland oo ku sugan gobolka ayaa eedo isu jeediyey, inkasta oo xaaladda Gedo aan la saadaalin karin qaabka ay u wajihi doonto Jubbaland marka loo eego qaabkii ay uga falcelisay dagaalkii 11-kii bishaan December ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni ee Jubbada Hoose.
Isha ku haay HBN ONLINE TV