Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo khasaare kula duwan dhaliyey ayaa laga soo warinayaa inuu ka dhacay maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Mudug.
Dagaalka oo ka dhacay degmada Xarfo ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen laba maleeshiyo beeleed oo wada dega deegaannada ku xeeran Xarfo.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen laba ruux, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Sida oo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisga ceel-biyood habeen ka hor lagu gubey deegaan dhanka Galbeed ka xiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo badan oo gobolka ka mid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.
HBN ONLINE TV