Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku eedeeyay cadowga dalkiisa inay kicinyaan xiisadaha caalamiga ah, isagoo sheegay inay kordheen khataraha ka dhalan kara falalka daandaansiga ah. Wareysi saacadihii la soo dhaafay lala yeeshay Putin wuxuu iska fogeeyay cabsida dagaal saddexaad oo caalami ah, laakiin wuxuu qiray xiisadaha sii kordhayaan.
“Ma jirto sabab loo kiciyo xiisadda, laakiin khataraha waa badan yihiin oo way sii kordhayaan. Waxaan aragnaa waxa cadowgeennu samaynayo; waxay kicinyaan xaaladda,” ayuu yiri. Putin oo carabka ku adkeeyay in Ruushka uu si adag uga jawaabi doono caqabad kasta, isagoo weliba diyaar u ah in wada-hadal aan wax u dhimin danaha qaranka uu galo.
“Marka cadowgayaga hadda iyo saaxiibadayda mustaqbalka ay ugu dambeyn maqlaan, fahmaan, oo garwaaqsadaan, waxay ogaan doonaan baahida loo qabo heshiis,” ayuu yiri Vladamir Putin.
Dhinaca kale, iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda NATO, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Alexander Grushko, ayaa ku eedeeyay isbahaysiga NATO inuu isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Ruushka. Isagoo ka hadlayay Moscow, Grushko wuxuu sheegay in falalka “weerarka ah” ee NATO ay khatar toos ah ku yihiin amniga Ruushka, waxaana arrintan lagu daray qorsheyaasha difaaca iyo milatariga ee Ruushka.
Grushko ayaa uga digay waddamada Reer Galbeedka inay tijaabiyaan awoodda milatariga Ruushka, isagoo ku adkeystay in amniga dalku Ruushka la sugayo xaalad kasta oo suuragal ah.
Tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022, dalalka NATO waxay siiyeen taageero weyn oo siyaasadeed iyo milatari Kyiv, iyagoo sidoo kale wada-hadallo ku saabsan xubinimada Ukraine ee isbahaysiga bilaabay. Moscow ayaa si weyn u cambaaraysay dadaalladan, waxayna ku tilmaantay ballaarinta NATO mid halis ah, iyadoo shuruud uga dhigtay wadahadal kasta oo lala yeesho Ukraine inay ka noqoto codsigeeda ku biirista isbahaysiga.
Warqabadka HBN Online TV