Ciidamada Sudan ayaa shaaciyay in xoogga isbahaysi la ah ay la wareegeen saldhigga milatari ee Al-Zarq oo ku yaalla gobolka Waqooyiga Darfur, iyagoo ka qabsaday ciidamada Gurmadka Degdegga ah oo dagaal ba’an ay la galeen.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidanka, “xoogga wadajirka ah” ayaa la wareegay saldhigga Al-Zarq, waxaana ay gacanta ku dhigeen tiro gaadiid dagaal ah, iyagoo dilay tobaneeyo ka tirsan ciidamada Gurmadka Degdegga ah.
Saldhigga wuxuu ku yaalla deegaanka Al-Zarq leh oo ku teedsan xuduudda u dhexeysa Sudan, Chad, iyo Liibiya.
Xoogga Wadajirka ah waxa uu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqyada hubaysan ee gobolka Darfur oo dawlada Sudan heshiis la galay sanadkii 2020 ayaa ka dhinac dagaallamayaa ciidamada Sudan, waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Darfur, Minni Arko Minawi.
Tan iyo bartamihii Abriil 2023, ciidanka Sudan iyo ciidamada Gurmadka Degdegga ah ayaa waxaa u dhaxeysay colaad galaaftay in ka badan 20,000 oo qof, isla markaana barakicisay in ka badan 14 milyan oo qof, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa maxalliga ah.
Qaramada Midoobay iyo baaqyada caalamiga ah ee lagu joojinayo dagaalka ayaa sii kordhaya si looga hortago musiibo bini’aadanimo oo ku habsata Sudan, iyadoo qiyaastii 26 milyan oo qof ay wajahayaan cunto yari aad u daran, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay oo Khamiistii mar kale ka digtay xaaladda dalkaas, oo wajahaya mid ka mid ah dhibaatooyinka cunnada ugu xun taariikhda casriga ah.
HBN Online TV