Mamaulka Puntland ayaa ku tala jira inay soo saaraan lacag u gaar ah oo ay yeelan doonaan, iyada oo ka dalbatay masuuliyiinta maamulka inay sameeyaan daraasad suurtagalnimada ka dhigi kara.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Basaaso kaga qeyb kulan ku saabsan Bandhigga Putland ah ayaa sheegay in maamulkoodu uu bilaabay sida wadamada federaalka ah adduunka, sameynta lacag u gaar ah oo ay leeyihiin.
Go’aanka ay Puntland qaadatay ayuu Deni ku carrababay inuu ka dambeeyey ka dib markii ay muddo ay sugayeen dowladda dhexe oo sameysa Shillin Soomaali mid ah, balse uu noqday mid aan muuqan.
“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasadda sameynta lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin. Lacagtaasi oo mustaqbalka waxay la jaan qaadi doonta nidaamka maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay qorshaha ay wado Puntland in uu qaadan doono sida ay rajeynayaan inta lagu guda jiro 2025 in lacag ay leeyihiin la soo saari doono, kaasi oo la jaanqadi doona sida uu hadalka u dhigay Baanka dhexe ee dalka.
Meelo badan oo dalka ah waxaa ku sii yaraanaya lacagta Shillinka Soomaaliga ah, maadama aanay jirin wax dayac tir ah ama lagu bedelo, inkasta oo dadaalo ay sameeyeen dowladdihii is xigxigay in lagu soo saaro lagaco uu dalku yeesho.
HBN ONLINE TV