Madaxweynaha Xasan oo hal sabab ku sheegay in doorasho dalka looga qaban karo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay 81-sano guurada kas oo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliiska ayaa ku dheeraaday ka hadlidda Doorashooyinka, Amniga, Siyaasadd, Dhaqaalaha & qodobo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Doorashada la filayo in ay Dalka ka dhacdo ku qabsoomi karto marka la sugo Amniga, isaga oo habka lagu gaari taasi ku tilmaamay in ay tahay dardargelinta Booliiska ee adkeynta nabadgalyada.

“Doorashadeennu waxa ay si sax ah u dhaceysaa marka Amnigeennu sugan yahay, waxa aan rabnaa in Booliiska usii diyaargaroobo, waa in aan kala shaqeynaa adkeynta amniga oo ku gacansiinnaa” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida oo kale waxaa sii raaciyey in aanay isa saameyn doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in gacan lagu codeynayo halka tan kale lagu sii wadayo sida uu hadalka u dhigay dagaalka kooxda.

“Gacan Doorasho Ayaan ku galeynaa, gacanta kalena Argagixisada Ayaa isaga dhicineynaa, Waxa aan rabnaa in Booliiska usii diyaargaroobo, ma hakineyo mana ka mashquuleyno dagaalka aan kula jirno Argagixisada” Ayuu yiri MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoogga saareyso qabsoomidda Doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka ka dhacda, waxaa diyaarsan guddigii ka shaqeyn lahaa iyo shuruucdii loogu talagalay in lagu hago.

Xubnaha mucaaradka ah ayaa qar iska tuurnimo ku sheegay sida ay warka u dhigeen go’aanka dowladda ay qaadatay, iyaga oo sheegay in arimahaan qabashadoodu ay ka horeyso in laga saaro Alshabaab goobaha ay kaga harsanyihiin gobolada dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed