Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa fursadii ugu danbeysay ee cafis ah u fidisay cidkasta oo ka soo laabata kooxaha loogu yeero Argagixisada ee ka dagaalama deegaannada gobollada Bari ee Soomaaliya.
Cafiskan ka soo baxay madaxweyne Deni oo loo fidshay dhamaan dhinacyada ku jira kooxaha ayuu ku sheegay in cid walba oo ka soo baxda dib loogu dari doono sida uu hadalka u dhigay bulshada, halka wixii ajaaniib ahne dib loogu celi doono dalalka ay ka yimaadeen.
“Cidakasta oo ururadaasi xagjirka ah ku jirtay oo diyaar u ah inay ka tanaasusho howshii ay ku jirtay waxay dowladda Puntland u fidineysaa inay nabad galyadoodana ka shaqeyso, bulshadane dib ugu darto, wixii Soomaaliyane ay dadkooda ku celiso, wixii ajanabiyane dalalkooda haday u baahdaan la geyn doono” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Waxaa uu sii raaciyey in cidii ku madax adeygta ka mid ahaanshiyaha kooxaha Daacish iyo Alshabaab ay ciidamadooda waajibkooda ka gutaan.
Madaxweynaha ayaa shaaciyey inay jiraan dad ku nool Puntland oo gacan saar la leh kooxaha, ayna ogyihiin, isaga oo hadalkaan sheegay xilli uu khubad magaalada Boosaaso oo ugu jeedinayey boqolaal shacab iyo masuuliyiin ah
Dhawaan maamulka ayaa ku goodiyey inuu soo afjari doono kooxaha Puntland la dagaalanto ee fadhiyadoodu yihiin dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
HBN ONLINE TV