Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in Malaayiin ruux uu noloshooda wax ka badali doonaan Mashaariicda Dhismaha dalka oo Muqdisho cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Hindisaha Muqdishada cusub, kaasi oo isugu jira dhismaha Garoon diyaaradeed casri ah, Dekad caalami ah iyo Aagga dhaqaalaha Muqdisho oo laga hirgalindoono dhul masaafo ahaan ka fog caasimadda.

Munaasabadda Daah-furka Hindisaha Qaran ee Muqdishada cusub, waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka caalamka u jooga dalkeenna iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Qorshahani uu yahay bilow cusub oo muujinaya aragtida fog ee dadka Soomaaliyeed, isla markaana xoogga saarayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha caasimadda oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran.

“Qorshahani waa iskutashi Qaran oo waqti kooban nooga daba geynaya Ummadihii na dhaafay. Dowladda Soomaaliyeed, waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo walba oo fududeyneysa guuleysiga mashruucan oo ay ka dhalandoonaan fursado iyo shaqooyin badan oo aan hadda jirin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa sheegay in Malaayiin ruux ka faa’iideysan doonaan Mashruuca, isla markaasna Shaqo Abuur ka heli doonaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed