Ku dhawaad 150 Tahriibyaal Soomaali ah oo maanta dalka dib loogu soo celiyey

Tahriibiyaal u badan dhalin yaro Soomaaliyeed oo gaaraya ku dhawaad 150 ruux ayaa maanta dib loogu soo celiyey dalka, kuwaa oo laga soo daayey gacanta kooxaha Magafayaasha Liibiya.

In la soo celsho Tahriibayaashaan ayaa waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ayaa laga kala soo dejiyey garoomada Hargeysa iyo Muqdisho.

Tahriibayaashan oo wadartoodu ay tahay 147 ruux oo muddo dheer gacanta ugu jiray Magafayaal madax furasho ka rabay iyo qaar ku jiray xabsiyada Liibiya ayey suurtagashay in maanta dalka dib loogu soo celiyay.

Dadka la soo celshay ayaa 30 ka mid ah laga dejiyey madaarka magaalada Hargeysa, waxaaana 117-da kale la keenay magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Masuuliyiin kala duwan oo ka socday dowladda iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan socdaalka ayaa sheegay in dadaal badan uu ku baxay sidii dadkaas dalkooda loogu soo celi lahaa, iyada oo qaarkooda gacanta dadka magafayaasha ah laga soo furtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay labadii bil ee u dambeysay in dalka ay dib ugu soo celiso in ka badan 300 oo Tahriibayaal Soomaaliyeed oo badidood laga soo furtay gacanta dadka magafayaasha loo yaqaan ee dalkaasi Liibiya dadka ka ganacsada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed