Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay inuu socdo dhismaha Saldhigga Turkiga ee Dayax gacmeedka ee Soomaaliya

Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuuud ayaa sheegay in uu socdo dhismaha saldhig casri ah oo ay dhiseyso dowladda Turkiga, kaasi oo laga diri doono Dayax-gacmeed casri ah.

Madaxweynaha wuxuu si cad u sheegay in Soomaaliya ay aad ugu faanayaan horumarka iyo dadaalka Turkiga, isla markaana uu muujiyay rajo weyn oo ku saabsan sida dhismaha saldhiggan iyo adeegyada dayax-gacmeed ee la xiriira ay u hormarin doonaan dalka.

“Waxaa jirta dalkeenna waxaa uu ka socdo Dhismaha Saldhig weyn oo laga dhisayo Dayax gacmeedka, Soomaaliya ayaa Satelate laga riday ayaa wax kasta ka wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Dowladda Turkiga ayaa ku dadaaleysa in ay ka mid noqoto dalalka gaarey hawada sare, waxaana xiriir dhaw ay la leedahay Soomaaliya.

Horay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegay in dowladda Turkiga ay wado qorshe sldhig u noqon doona goobaha laga diro dayax gacmeedyadaasi ee Afrika.
HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed