Wararkii u dambeeyey dagaalka Qasa & khasaaraha ciidanka Israa’iil

Iyadoo maanta ay tahay maalintii 438-aad ee dagaalka Marinka Qasa, xoogaga iska caabinta Falastiiniyinta ayaa wada weerarrada gaadmada ah ee ka dhanka ah ciidamada Isra’iil.

Saacadihii u dambeeyay, kooxda Saraya Qudus oo ah garabka hubaysan kooxda Jihaadul Islaami ayaa sheegtay in ay hoobiyayaal ku garaaceen xarunta hoggaaminta dagaalka ee Abu Arbaciin ee ku taal aagga Neztarim.

Telefishinka Al Jazeera oo xogtan tabiyay ayaa ka soo xigtay kooxda iska caabinta Falastiiniyinta in hoobiyayaasha si toos ah loola beegsaday goobtaasi.
Dhinaca kale waxaa sii kordhaya khasaaraha soo gaaraya ciidamada Israa’iil, goor sii horeysay oo maanta warbaahinta Israa’iil ayaa xaqiijisay in 7 askari dhimasho & dhaawac loogu gaystay halwgal kooxaha Falastiiniintu ka fuliyeen deegaanka Rafax ee Koonfurta Qasa, ka dib markii ay gantaal ku dhufteen guri ay askartu ku jirtey, iyadoo gurigiina uu ku dumay ciidamada oo 2 ka mid ah ay dhinteen halka 5 kale ay dhaawacmeen.

Isla wararkan, wasaarada gaashaandhiga Israa’iil ayaa xaqiijisay in 13,500 oo askari oo Israa’ilyiin ah ay ku dhaawacmeen dagaalada 14-kii bilood ee la soo dhaafay ka socday Qasa.
Bogga Internet-ka ee 0404 ee Israa’iil ayaa soo wariyay in Waaxda Baxnaaninta Jirka iyo Caafimaadka ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay shaacisay in 20% kororrtay tirada askarta daweynooyinka qaadanaya ama caafimaadkooda la dabiibayo.

Warbixinta ayaa sheegaysa in tirada askarta baxnaaninta caafimaad u baahan ay korodhay laga soo bilaabo 62,000 ilaa 75,000.
Kanaalka 12 ee Israa’iil ayaa daaha ka qaaday in sanadkii la soo dhaafay celcelis ahaan 1,000 askari ay bishii dagaalka ku dhaawacmayeen, iyadoo sidoo kale la diiwaan galiyay 500 oo codsi oo askar dalbanaysa in loo aqoonsado inay ku lixaad beeleen dagaalada.

Wasiirka Maaliyadda Israa’iil, Bezalel Smotrich ayaa sheegay inay sii wadi doonnaa xoojinta gacan-ku-haynta dhulka Israa’iil oo dhan, isla markaana aysan oggolaan doonin in Carabta kala gooyaan Daanta Galbeed iyo Quddus.”
Smotrich ayaa yiri “Ma oggolaan doono Carabta inay dhisaan dowlad Falastiini ah oo halis gelinaysa jiritaankeena.”

Dhinaca kale, Wasiirka gaashaan dhigay Israa’iil, Yisrael Katz ayaa isna ku andacooday in Israa’iil ay sii wadi doonto “inay gacanta ku hayso ammaanka Marinka Gaza kadib waa sida hadalka uu u dhigaye marka la ciribtiro xukunka iyo awoodda milatari ee Xamaas, si la mid ah sida hadda Israa’iil u maamusho Daanta Galbeed.”
Katz ayaa yiri “Ma oggolaan doono urur cusub oo khatar ku ah muwaadiniinta Israa’iil.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed