Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalo ay fulisay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe lagu dilay horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Ashabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay howlgaladaan oo ay fuliyeen ciidamada Xoogga dalka iyo NISA ayaa tilmaantay in deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo hareerihiisa ay ku dishay Ku dhawaad 30 xubnood.
Horjoogayaasha hawlgalkaas ka dhacay Shabeelaha dhexe lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah Abuu Busri oo loo yaqiin Zakariye, Xasan Xuseen oo loo yaqiin Abuu Xamama, Xasan Nasruallah oo loo yaqiin Abuu Baras, Cabduraxmaan oo loo yaqiin Macalin Aaden iyo xubno kale, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed.
Sida oo kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa guulo ka sheegtay howlgalo ka dhacay gobolka Mudug, gaar ahaan wadada xiriirisa degmada Xarardheere iyo Jowle oo sida uu hadalka u dhigay maleeshiyaad kooxda ah lagu dilay.
HBN ONLLINE TV