Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah waxa uu 18-ka Bishaan oo ku beegan Arbacada ka yeelan doonaa Howlgalka cusub Soomaaliya ee AUSSOM kaas oo baddelaya kan ATMIS ee ku sugan dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaan la tagi doonta ajendaha muhiimadda howlgalkaan oo horay u dharaandhiriyeen Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika, kadib kulamo is xigxigay oo ka dhacay Muqdisho.
Soomaaliya ayaa fursad u heysata in ay howlgalkaan ka reebto Dalka aysan dooneyn, halka ay awood buuxda u leedahay in ay ku darto Dalalka soo buuxiya shuruudaha ay wadato maadaama quwad muuqata ay noqdeen ciidankeeda.
Wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shirkaan ayaa ka safraya Magaalada Muqdisho, waxa ay xubnahaan kulamo gaar gaar ah la qaadan doonnaan Wakiillada Madaxda Dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka.
Dhaqaalaha ku baxa Ciidanka Afrikaanka ah ee Jooga Soomaaliya waxaa bixisa Qaramada Midoobay gaar ahaan Golaha ammaanka. Midowga Afrika ayaa dejiya qorshaha ciidankaas ka kala socda dalalka kala duwan.
HBN ONLINE TV