Shirka golaha Amniga oo looga hadlay kala guurka howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta ku qabsoomay xafiiska Amniga Qaranka, kaasi oo ku saabsanaa xaaladda guud ee amniga iyo qorshaha kala guurka howlgalka ATMIS.

Intii uu shirka socday, ayaa la sheegay in lagu falanqeeyey istaraatiijiyadda xoojinta amniga qaranka iyo dhammeystirka dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed oo haatan ku howllan buuxinta amniga goobaha ay bannaynayaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS iyo diyaar garowga howlgalka cusub ee AUSSOM .

Sidoo kale, shirka ayaa warbixin lagaga dhageystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo soo bandhigtay sida la sheegay sidii xal loogu heli lahaa isbaarooyinka iyo lacaga sharci darrada ah ee lagu qaado gobollada goobo ka mid ah Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Arrintan ayaa Guddigu ku tilmaameen sida hadalka loo dhigay caqabad weyn oo wiiqaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa la tilmaamay in uu ku adkeeyey hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si beeraleydu u helaan fursado ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda, dadka Soomaaliyeedna ay uga faa’iideystaan khayraadka beeraha uu hodonka ku yahay dalkeenna.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed