Dagaal Ceerigaabo maalintii 2-aad socda oo sababay khasaare dhimasho iyo Barakac

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka dib uga qarxay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Sida la soo sheegayo Dagaalka oo ah mid xooggan ayaa galay maalintii 2-aad oo xiriir ah, iyada oo mar kale labada ciidan ay dib isugu laabteen saaka, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan.

Xog dadka deegaanka ah ayaa sheegeysa in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana shacabka ay bilaabeen inay ka barakacaan magaalada xarunta u ah gobolka Sanaag.

Ilo lagu kalsoonaa karo ayaa inoo sheegay in dagaal dadka ku dhintay ay kor u dhaafayaan 15 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo rayid ah.

Waxaa laga cabsi qabaa in khasaaraha uu sii kordho, maadaama uu weli sii socdo dagaalka oo labada garab ay adeegsanayaan hubka aanay xamili karin magaalada. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo ku aadan dagaalka ku dhex-maraya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waxyaabaha xiisadda taagan uga sii daraya waxaa ka mid ah in ciidamo iyo gaadiid dagaal oo gurmad ah ay gaareen halkaasi, taas oo cabsi ku sii abuurtay dadka deegaanka.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo todobaadkii hore loo dhaariyey xilka ayaa sheegey in uu si nabad kula xaajoonayo dadka gobollada Sool & Sanaag, taasi oo lagu soo afjarayo xiisadda.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed