Ciidamada Gurmadka Deg Dega ah ee magacooda loo soo gaabiyo RSF ee dalka Sudan ayaa weeraray isbitaalka kaliya ee weli shaqaynaya ee ku yaala magaalada Ceel Fasher, gobolka Waqooyiga Darfur ee Suudaan, waxaana duqeyntaa ku geeriyooday sagaal halka ay ku dhaawacmeen 20 qof, sida uu sheegay mas’uul dhanka caafimaadka ah iyo dhaqdhaqaaqayaasha, sida ay tabisay wakaaladda ee Reuters.
Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa afar gantaal ku riday isbitaalka, taas oo burburisay qaybo ka mid ah qaybta bukaanada, goobaha sugitaanka, iyo adeegyada kale, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka ee gobolka, Ibraahim Khatiir iyo guddiga iska caabinta ee Ceel Fasher, oo ah koox u dhaqdhaqaaqda dimuqraadiyadda kana warbixisa rabshadaha ka jira aaggaas.
Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay burbur ku yaalla sariiraha isbitaalka, saqafka iyo derbiyada oo waxyeelo soo gaadhay. Ciidamada RSF ayaa sheegay in aysan beegsan rayidka.
Ciidanka Suudaan iyo RSF ayaa ku jiray dagaal muddo ka badan 18 bilood, waxaana ka dhashay musiibo bini’aadanimo oo weyn, iyadoo in ka badan 12 milyan oo qof laga barakiciyay guryahooda, hay’adaha Qaramada Midoobayna waxa ay ku dhibtoonayaan bixinta gargaarka.
Ceel Fasher waa mid ka mid ah furimaha ugu badan ee dagaalka u dhexeeya xooggaga RSF iyo ciidamada Suudaan iyo xulafadooda oo dhinac ah, kuwaas oo u dagaalamaya inay sii haystaan meelihii ugu dambeeyay ee gobolka Darfur ee ay ku sugnaayeen.
Dadka u kuurgala xaaladdahan ayaa ka cabsi qaba in guul ay RSF ka gaarto halkaas ay keeni karto aargoosi qabiil, sida kii ka dhacay Galbeedka Darfur sannadkii hore.
HBN Online TV