Dagaalka maanta sababay khasaaraha aan ilaa hadda cidna si rasmi ah u xaqiijin ee u dhexeeya Ciidamada Jubbalnad iyo DFS ayaa ku soo aadaysa Saacado ka dib markii Mareykanka uu ka digay xiisadaha taagan inay sababi karto iska horimaadyo culus.
Dagaal dhemara Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa Mareykanka ku sheegay inay sii xumeyn karto sida hadalka loo dhigay wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Dowladda iyo Jubbaland, taasi oo jaanis dhanka kale siin karta kooxda Alshabaab.
Safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya Richard Riley ayaa ka digay in khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Maaulka Jubaland uu noqon karo mid colaadeed, kaasi oo sababi kara dhibaato kooxaha ka soo horjeeda ay fursad kaga heli karaan.
“Safaaradda Mareykanka iyo beesha caalamka waxaan isha ku haynaa wax walba oo ka socda Jubaland. Waana eegaynaa, aad baana uga walaacsanahay” ayuu yiri Richard.
Sida oo kale, xubanaha Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka maanta ayaa sheegay in dagaalka la isu adeegsaday wiilasha Soomaaliyeed in uu ka hor imaanayo qaanuunka iyo sharciga dalka.
HBN ONLINE TV