Madaxweyne Recip Tayyib Erdogan ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hugaaminayo, waxaana labada hoggaamiye halkaasi ku dhexmaray kulan laba geesood ah.
Warka lagu baahiyey bogga Telefeshinka Itoobya oo si kooban uga hadlay socdaalka Abiy ayaa aanan lagu soo hadal qaadin xalinta khilaafka Soomaaliya kala dhexeeya iyo mowqifka dowladood.
Warkan oo lagu baahiyey bogga Telefeshinka Itoobya oo si kooban uga hadlay socdaalka Abiy Axmed ayaa aanan lagu soo hadal qaadin wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in mowqfikeeda hore ay ku taagan tahay weli ayaa tilmaantay in Itoobiya ay ka codsatay Turkiga in lala hadalsiiyo masuuliyiinta Soomaaliya, halka aan la ogeyn waxa ay la soo shir tagi karto Xukuumadda Addis Ababa.
HBN ONLINE TV