Dowlada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay socdaalka Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu ku tagay Turkiga ayaa sheegay inay dhacayaan wadahadalo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku aadan khilaafka Labada Dal.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ka warbixiyay safarka ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay Ankara u jooga ka qeybgalka wareegga saddexaad ee wadahalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Daa’uud ayaa sheegay in Itoobiya ay soo gudbisay codsiga Wadahadalka wajiga Seddexaad, iyada oo xiriir la samaysay sida hadalka uu u dhigay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, halka Soomaaliyana ay shirka ku gali doonto casuumaad ka heshay dowladda.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa cadeeyay inay Soomaaliya ku dhagantahay go’aankeeda ah ilaalinta, Madax-banaanida iyo Qaranimada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Wdahadaladaan uu garwadeen ka yahay Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa aad ishu loogu wadahayaa, iyada oo aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay dabacsanaanta Addis Ababa ee ah in khilaafkan ragaadiyey cilaaqaadkii dalalka dariska ah la soo afjaro.
Kulanka ayaa ku billaaban doona sida xogo aan ku helayno qaab u kala dabqaadis ah oo ay madaxda labada dal si gooni-gooni ah ula kulmayaan Madaxweyne Erdogan oo isna u gogolxaari doona isku soo dhawaasho horseedi kara in kulan toos ah la isugu yimaado oo heshiis lagu gaaro.
Diblumaasiyiinta Xeeldheerayaasha ah ayaa u arka in arrimahan soo dedejiyay kulanka Ankara ay qeyb ka tahay go’aanka ay dawladda Soomaaliya ku gaartay in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan wixii ka dambeeya bixitaanka ATMIS ee dhammaadka sannadkan, iyada oo howlgalka Midowga Afrika uu magac cusub ku howlgalayo.
Isha ku haay HBN ONLINE TV