Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK Soomaaliya Michael Nithavrianakis, waxaana kulankooda la tilmaamay in looga wada hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Danjiraha la wadaagay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sida uu hadalka uu u dhigay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa.
Sida oo kale, Dhinacyada ayaa kulankooda isku soo hadal qaaday iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, halka Boqortooyada Ingiriiska ay sheegtay in Soomaaliya ay ka caawi doonto dhinacyada muhiimka ah ee doorashooyinka iyo amniga.
Danjire Michael ayaa xafiiska Ra’iisal Wasaaraha soo tabiyey in dowladda UK ay taageereyso siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, la-dagaallanka kooxda Alshabaab iyo in ciidanka Soomaaliya la wareegaan guud ahaan amniga Qaranka.
HBN ONLINE TV