Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo Mqudisho ka daahfuray Barnaamijka Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-ka ilaa 2029, ayaa faray dhamaan dadka huggaanka ah ilaalinta cadaaaladda iyo sinaanta, si loo helo fursado muhiimka ah.
Shirkan oo diiradda lagu saarayey Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo loo simanyahay ayuu Ra’iisal Wasaare Xamsa faray sinaan bahda garsoorka xiliyada ay horyaalaan go’aamada muhiimka ah.
Sida oo kale waxaa uu ka dalbaday wasaaradaha in talaabooyin kor loogu qaadayo Cadaalada in shirka iyo xarumahooda ay la yimaadaan si cadaalad loo helo.
Xamsa oo tilmaamay in Meel weliba wax ka maqan yihiin ayaa isbarbardhig ku sameeyay sanadihii u dambeeyay, si loo arko farqiga jira iyo qaabka wax isu bedeleen.
HBN ONLINE TV