Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta diyaarad gaar ah ay u dirtay dhallinyaradii Soomaaliyeed ee laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Madagascar, halkaas oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 qof, iyada oo dib loogu soo celnayo inta ka badbaaday dhacdadii dhaamadkii bishii hore dalka.
Diyaaradda ay Dowladda Soomaaliya u dirtay ayaa la tilmaamay in hadda Madagascar ka soo qaaday dhallinyaradaas, waxayna galabta ka soo deji doontaa sida uu qorshuhu yahay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
In ka badan 22 ruux oo dhalinyaro muhaajiirin Soomaali ah ayaa ku dhintay Badweynta India Occean, ka dib markii doonyo ay la socdeen ku degeen xeebaha dalka Madagascar.
Dhacdaan ayaa waxaa ka bad baaday oo 48 ruux ka dib markii labo doon oo ay la socdeen ay dugeen xeebaha Madagascar, sida ay xaqiijiysay wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi oo la soo wadaagtay xogtaan Soomaaliya.
HBN ONLINE TV