Hay’adda IAEA oo sheegtay in Iiran ku dhowdahay inay sameyso bam nukliyeer

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga ee magaceeda loos oo gaabiyo IAEA ayaa warbixin qarsoodi ah oo ay u gudbisay dowladaha xubnaha ah saacadihii la soo dhaafay waxay ku sheegtay in Iran ay labanlaabeyso heerka ay ku hormarinayso uranium-ka si ay ugu dhowaato sameynta bam nukliyeer, gaar ahaan goobta Fordow, arrinkaaso uu agaasimaha Guud Rafael Grossi uga digay Iiraan.

Hay’addan hoos tagta Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii xaqiijisay in Iiran ay bilowday inay gujayso gaaska uranium ee hexafluoride  ilaa 20%, halkii horey ay u haysatay 5 boqolkiiba.
Tani waxay ka dhigan tahay in horumarinta uranium-ka Iiran ilaa 60% ay si weyn u kordhi doona, sida warbixinta muujisay, iyadoo xustay heerka wax soo saarka billaha ah ee ka badan 34 kiiloogaraam oo xarunta Fordow oo keliya ah.

Agaasimaha Guud ee IAEA, Rafael Grossi, ayaa ka digay in Iran ay diyaar u tahay inay si weyn u kordhiso keydka uranium ee heerka hubka lagu sameeyo.
“IAEA waxay maanta ku dhawaaqeysaa in awoodda wax-soo-saarka ee hodminta uranium ilaa 60% nadiif ah si weyn u korodhay,” ayuu yiri Grossi oo ka hadlayay shir ka dhacay magaalada Manama ee caasimadda Baxrayn, isagoo intaas ku daray in heerku uu ku kordhi karo “7 ama 8 jeer, ama xitaa ka badan” marka loo eego inta u dhaxaysa 5 iyo 7 kiiloogaraam bil ka hor.

Waxa kale oo uu sheegay in awoodda Iiran ay si aad ah u kordheyso si ay u soo saarto uranium ilaa 60% nadiif ah, iyadoo si loo dhiso hub nukliyeer loo baahan yaahy 90%.
Ku dhawaaqistan ayaa waxay u badan tahay in wadamada reer galbeedka ay ka caroodeen, maadaama ay si wayn uga soo horjeedaan in Iiraan ay hesho awoodda hub nukliyeer ay ku samaysato, balse Iiraan waa ay beenisay dhamaan arrimahan.

Hay’adda IAEA tilmaamayaan in Iiran ay horeyba u haysato maaddooyinka tamarka nukliyeerka oo ilaa 60% nadiif ah oo ku filan in mabda’ ahaan laga sameyn karo 4 bam nukliyeer haddii Tehran ay ku guuleysato kordhinta heerka hodminta.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed