Itoobiyaan Alshabaab ah oo ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo muuqday maanta laba nin oo ka soo jeeda dalka Itoobiya kuwaa oo ku eedeysan u dagaalamidda iyo ka mid ahaanshiyaha kooxda Alshabaab.

Labada nin ee eedeysanayaasha ah oo lagu kala magacaabo Cabdi Saciid Xasan oo ah Oromo iyo Bilaaal Xabashi Saciid balse magaciisa saxda ah uu yahay (Mangaashi) oo Amxaarada ah ayaa lagu oogay dacwado iyo la howlgalidda Alshabaab.

Cabdi Saciid oo baarayaasha Maxkamadda ku soo oogeen in uu kooxda uga jiray qeybta jabhada ayaa sheegay in uu soo qaatay sida hadalka loo dhigay tababaro kala duwan oo ku aadan furfuridda iyo isticmaalka qoryaha culus.

Sida oo kale Mangaashi oo kooxda kiiskiisa ku daba jirtay ay tilmaameen uu ahaa laba Kaarle xogta Alshabaab u dusi jiray iyo dalkiisa Itoobiya ayaa Alshabaab waxaa uu ka tirsanaa ilaa sanadkii 2016-kii, isaga oo ku hadla luuqadaha Soomaaliga, Axmaariga iyo Carabiga.

Waxaa uu maxkamadda ka hor qirtay in xogta si toos ah u siin jiray madaxda Kilinka Oromada joogta.

Si siman waxaa loogu eedeeyey ka qeyb qaadashada dagaalo kala duwan oo ka dhacay, Jubbada dhexe, Baay, Hiiraan iyo Shabeellooyinka.

Cabdi iyo Mangaashi oo sheegay in Muslimiin ay yihiin ayaa Maxkamadda ka codsaday in la siiyo xorriyadooda maadama aanay Fikir raali ka aheyn lagu shirqoolay.

Barayaasha kiisaska raggaan ayaa Maxkamadda ka codsaday in dambiyada lagu eedeeyey sidooda looga qaado maadama sida hadalka ay u dhigeen dalka Soomaaliya u yimaadeen daadinta dhiigga shacab iyo hagar-daameynta dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed