Maxay sababta ciidamada Jubbaland ugu soo biirayaan safka CXD ?

Wax ka yar muddo todobaad ah oo dowladda Soomaaliya gacanta ku heyso deegaanka Raas-Kambooni degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose waxaa safkeeda soo galaya tobanaan ciidan oo iska soo baxay dhanka maamulka Jubbaland.

Saaka, Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raas-kambooni, kuwaas oo la sheegay in ay isku diyaarinayaan in Alshabaab ka saaraan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.

Saraakiisha huggaaminayey ciidamada saaka ku soo biiray Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Jubbaland ayaa noqonaya ciidamo silsilada ah oo ka soo baxay safka maamulkaasi, waxaana ka dhashay su’aalo iyo hadal heyn badan.

Sababaha ugu weyn Ciidamadaan ugu soo biireen waxaa afkooda ay ka qirteen marka hore in aysan diyaar u aheyn in dowladda iyo ciidamadeeda midna la dagaalaan, halka ay sheegeen qaarkood in wax berri laga heshiin doono aanay bilow noqoneyn.

Dadka arimaha amniga la socda waxaa ay ku sifeeyeen in kalsoonida madaxweyne Axmed Madoobe ku qabi karo ciidamo aag hore la geeyo ay yartahay, taasi oo ah xaaladdu ka sii dareyso.

Dhamaadka todobaadkii hore qeyb ka mid aheyd ciidamada Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya Muqdisho ka soo dejisay, kuwaa la sida la tilmaamay dib u habeyn iyo mushaar qoris loo sameynayo, ka dibna dib loogu celi doono deegaannada Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed