Israa’iil oo sii wada “xadgudubyada” ka dhanka ah xabad joojinta & dibadbax baroordiiq ah oo loo sameeyay Xasan Nasrallah

Tilaabo kale oo oo lagu macneeyay xadguub heshiiskii xabad joojinta dagaalkii Lubnaan ayay mar kale ku kacday Israa’iil, ka dib markii diyaarad Israa’iil leedahay ay dul heehaabtay hawada magaalada Bayruut ee caasimada lubnaan, xilli halkaasi ay ka socotay munaasabad baroordiiq ah oo loo sameynayay hoggaamiyihii ururka Xisbullah Xasan Nasrallah oo lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka gaysatay caasimada Lubnaan dhammaadkii bishii September.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa xaqiijisay in diyaarada Israa’iil ay joog hoose ku martay hawada magaalada Bayruut iyo agagaarkeeda, iyadoo aan la ogeyn sababaha.

Tani waxay ka dhigeysaa tirada jabinta Israa’iil ee heshiiska xabbad joojinta markii 62-aad guud ahaan tan iyo markii ay dhaqan gashay xabad joojinta waaberigii Arbacadii la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Dhanka kale, boqolaal taageerayaasha Xisbullah ah ayaa isugu soo baxay iyagoo ilmeynaya goobtii Nasrallah uu ku dhintay deegaanka koonfureed ee magaalada Bayruut.

God weyn oo ay sameeyeen duqeymihii Israa’iil ee 27-kii Sebtembar ku qaaday aagga Haret Hreik ee burburay, ayaa laga taagay calamada jaalaha ah ee xisbiga, waxaana la shiday shumacyo iyadoo cod-baahiyeyaal lagu baahinayay qaybo ka mid ah khudbadihii Nasrallah.

Mahmoud Qamati, oo ah ku xigeenka madaxa golaha siyaasada, ayaa Arbacadii sheegay inay qabanqaabiyaan aas balaaran oo loo sameynayo Nasrallah, tallaabada uu ku sheegay inay noqon doonto “afti cad oo xooggan, oo rasmi ah mid siyaasadeed si ay u go’aansadaan iska caabinta inay sii wadaan sidii ay ugu dhawaan lahaayeen dariiqii Sayid Xasan Nasrallah”.

Ilo ku dhow Xisbullah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP bishii Oktoobar ee la soo dhaafay in Nasrallah loo sameeyay aas qarsoodi ah laguna aasay meel si ku meel gaar ah, sababaha aaska sidaasi loogu sameeyay ayaa ahayd hanjabaado xilligaasi ka imaanayay Israa’iil.

Tan iyo waaberigii Arbacadii la soo dhaafay, waxaa dhaqan galay heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Xisbullah, kaasi oo soo afjaray duqeymo fool-ka-fool ah oo billowday 8-dii Oktoobar, 2023-kii, ka dibna isku beddelay dagaal ballaaran labadii bilood ee ugu dambeeyay oo ay ku dhinteen kuna dhaawameyn kumannaan qof.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed