Masuuliyiinta Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa bayaan ka soo baxay maanta lagu sheegay in Bandow lagu soo ragay magaalada Ceerigaabo, xaalada siyaasadeed ka taagnaayeen.
Isu socodka gaadiidka ayaa laga Joojiyey magaalada Ceerigaabo marka saacadu Tahay labadda duhurnimo sida ay Sheegeen guddoomiyaha Gobolka sanaag Axmed cabdi muuse iyo Taliyaha Qaybta booliska Gobolka Sanaag
Bandowgan oo si gaar ah loogu calaamadeeyey 2-da duhurnimo ayaa la sheegay in uu dhaqan galkiisu ahaan doono mid fulinayo, inkasta oo aan la carabbaabinta ilaa inta uu sii saarnaa doono magaalada.
Todobaadkii hore waxaa shaqaaqo ka dhacday Ceerigaabo ay sababtay dhimashada ilaa seddex ruux, halka guddiga gobolka ay soo saareen go’aanno lagu soo qabanayo dad lagu tuhmayo dhacdaaasi.
Dhanka kale, xubno la magac baxay Maakhir ayaa Ciidamadooda ku amartay in ay galaan magaalada Ceerigaabo, ka dibna gacanta ku soo celiyaan.
Waxaa ay rejo xumo ay ka muujiyeen in miiska wada hadalada la iskugu yimaado, halka dad gaar ah sida hadalka ay u dhigeen la bartilmaameedsanayo.
HBN ONLINE TV

