Ruushka, Turkiga & Iiraan oo ka wadahadlay xaalada dagaal ee Suuriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalalka Turkiga iyo Iran si ay uga wada hadlaan dagaallada ka socda Suuriya, kaddib weerarkii kooxda Hay’at Tahrir al-Sham ee ka dhacay Xalab, Idlib iyo Xamaa.
Lavrov ayaa la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyaga oo isla soo qaadeen xaaladda Suuriya iyo geeddi-socodka nabadda ee shirkii Astana.

“Labada dhinac waxay muujiyeen walaac weyn oo ku saabsan xaaladda halista ah ee ka soo korortay Suuriya ee ku aaddan kororka colaadaha millateri ee gobollada Xalab iyo Idlib,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in labada wasiir ay ku heshiiyeen in la isku dubbarido dadaallada wadajirka ah si loo ilaaliyo xasilloonida Suuriya.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda ee Iran ayaa Sabtidii werisay in Lavrov iyo dhiggiisa Iran Abbas Araqchi ay ku muujiyeen wada hadal khadka telefoonka ah taageeradooda Suuriya.
Warbaahintu waxay intaa ku dartay in Araqchi uu u sheegay Lavrov in weerarrada kooxaha hubeysan ee Suuriya ay “ka mid yihiin qorshaha Israa’iil iyo Mareykanka ee lagu wiiqayo xasilloonida gobolka.”

Araqchi wuxuu ugu baaqay in iskaashi lala yeesho Ruushka si loo la dagaallamo weerarrada dhowaan ee ay sameeyeen kooxda Hay’at Tahrir al-Sham iyo kooxaha kale ee isbahaysiga la ah ee Suuriya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan wuxuu ku adkeystay “baahida loo qabo feejignaan iyo iskaashi” dhexmara Iran iyo Ruushka “si looga hortago ficillada” kooxaha hubeysan ee Suuriya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Lavrov iyo Abbas ay wada hadalkooda ku muujiyeen “walaaca qoto dheer ee ku saabsan kororka halista ah ee xaaladda Suuriya.”

Intii ay socdeen wada hadalka, Lavrov wuxuu tilmaamay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo dadaallada lagu xasillinayo Suuriya isla markaana si degdeg ah looga fiirsado xaaladda dalka gudihiisa iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka “heshiiskii Astana.”

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed