Madaxweynaha Kenya oo sheegay in isku keenayo Xasan Sheekh & Abiye Axmed? Maxaa cusub oo soo kordhay

Hogaamiyayaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa qorsheynaya inay yeeshaan kulan ay ku yareynayaan xiisadaha gobolka Geeska Afrika, sida uu sheegay madaxwyne William Ruto.

Ruto ayaa hadalkan jeediyay mar uu ka hadlayey magaalada Caruusha oo ururka bulshada Bariga Afrika uga socdo shir madaxeedkii 24-aad ee caadiga ahaa ee madaxda dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Ruto ma uusan cayimin xiliga uu dhacayo kulanka la qorsheeyay. Haddii la xaqiijiyo, waxa uu noqonayaa kulankii ugu horreeyey ee toos ah oo ay yeeshaan madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii Addis Ababa ay kala saxeexdeen heshiiskii is-afgaradka ahaa Somaliland, kaasi oo qalinka lagu duugay Bishii 1-dii Janaay ee sanadkan 2024.

Shirka ka socda caasimadda Tansania ayaa waxaa ka qeyb ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka jeedi doona khudbad uu kaga hadli doono maalgashiga iyo isbedelada dalka ka socda.

Dawlada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan la fariisan doonin Itoobiya ilaa ay ka laabato is afagaradkii ay la gashay Somaliland & damaceeda Badda, mana jiraan illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Dawlada Soomaaliya oo arinakasi ku aadan iyo inuu is beddelay mowqifkii hore

Heshiiska oo jira 11 bil ayaa xiisaddiisu sii korortay markii dhinacyadu isu jeediyeen dhaleeceyno iyo hadalo adag.

Go’aanka Itooobiya ee heshiiska ayaa dadka qubarada amnigu sheegayaan in uu ku riday khasaare laba geesood ah oo sabab u noqday in uu u dhaqan-gali waayey iyo in laga reebay howlgalka ay qeybta ka aheyd ee nabad ilaalinta midowga Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed