Dowladda Soomaaliya oo warka ka soo saartay in dhaqaale la siiyo Alshabaab iyo awaamiir lagu talo jiro

Wasiirka Maaliyada Somaliya Biixi Iimaan Cige oo muqdisho kaga qeyb galay shirka gudiga la dagaalanka maalgalinta waxa loogu yeero argagixisada ayaa sheegay in la joogo sida uu gadalka u dhigay xiliyada Alshabaab lacagta ka qadaan shacabka.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galeen Hay’adaha Amaanka u xilka saaran la socodka dhaq-dhaqaaqa Maaliyada dalka ayaa diirada lagu saaray sidii oo xoojin lahaa xakameynta lacagaha ay Alshabaab qadaan Shacabka.

Sida oo kale Wasiir Cige ayaa tilmaamay in dowlada Somaaliya ay dadaal ku bixisay sidii loo wiiqi lahaa Awooda kooxda, isaga oo carrabaabay qorshaha socda in uu yahay mid shcabka ka hor joogsanaya sida uu hadalka u dhigay inay wax macaamila ah la yeeshaan Alshabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay qaaday dagaal seddex dhinaca oo ka dhan ah Alshabaab ayaa waxaana ku jira in dowlada Soomaliya ay xakamayso nidaamka Maaliyada dalka, si hoos loogu dhigo dhaqaalaha ay helaan kooxda.

Horay dowladda ayaa u sheegtay in ay wiiqday dhaqaalaha ka soo gala Koonfurta dalka Alshabaab, iyada oo tilmaantay in la xiray baro badan oo looga dusi jiray lacagaha, halka loo maxkamadeedeyey dadyow lagu helay sida ay garsoorka ka hor qirteen in lacago loogu aruuriyey Koontooyinkooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed