Madaxweynaha Ukraine oo muujiyay inuu diyaar yahay inuu ka tanaasulo dhulka Ruushka ka haysto

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo jeediyay hindise suuragal ka dhigi kara heshiis xabbad joojin ah si loo soo afjaro dagaalka Ukraine haddii NATO ay ku aqbasho in dalkiisu uu xubin ka noqdo gaashaanbuurta reer Galbeedka.

Wareysi uu siiyay telefishinka Sky News ee fadhigiisu yahay magaalada London, ayaa madaxweynaha Ukraine wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay in dhulka haatan Ukraine ka taliso lagu daro NATO, halka inta kale ee laga haysto ee Ruushku gacanta ku hayo lagu soo celin doono hab-diblomaasiyadeed.

Hadalkan ayaa loo fasirtay in Zelensky markii ugu horreysay uu muujiyay inuu diyaar u yahay in ka taanasulo dhulka Ukraine laga haysto, taasi oo ka duwan mowqifkiisii hore ee ahaa in dagaalka uu ku joogsan karo oo kaliya in Ruushka uu ka baxo afarta gobolka ee uu ka qabsaday Ukraine iyo waliba Jasiirada Crimea ee oo Ruushku qabsaday 2014.

“Haddii aan dooneyno inaan joojino marxaladda adag ee dagaalka, waa inaan hoos geeynaa dhulka Ukraine ee aan gacanta ku hayno gaashaanbuurta NATO”.
Madaxweynaha Ukraine oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waa inaan sidaas u sameynaa si degdeg ah. Kadibna dhulka la haysto ee Ukraine, ay ku hesho hab-diplomaasiyadeed.”

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Ukraine ayaa imaanaya kaddib markii hoggaamiye ka tirsan isbahaysiga NATO uu bishii hore xaqiijiyay in Ukraine ay mustaqbalka xubin ka noqon doonto NATO – laakiin wuxuu xusey inaanu sheegi karin goorta ay dhacayso.
“Ukraine waxay noqon doontaa xubin NATO ah mustaqbalka,” ayuu yiri Rutte. “Su’aashu waa goorta saxda ah. Hadda kama jawaabi karo arrintaas.”

Zelensky ayaa horey ugu adkeystay in casuumaadda xubinnimada NATO ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah “qorshihiisa guusha” ee soo afjarida dagaalka ba’an ee Ruushka.
Horaantii sanadkan, wuxuu soo bandhigay soo jeedin uu horgeeyay baarlamaanka Ukraine taasoo ku jirtay diidmo ku saabsan tanaasulida dhul ay Ruushku haystaan ka hor inta aan miiska wadaxaajoodka la imaanin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed