Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Chad, Abderrahmane Kalam Allah, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu buriyay heshiisyada iskaashiga amniga iyo difaaca ee uu la lahaa Faransiiska, dhowr saacadood kadib markii dhiggiisa Faransiiska ah, Jean-Noël Barrow, uu booqasho ku tagay caasimadda N’Djamena.
Bayaan uu ku daabacay bogga Facebook ee wasaaraddiisa, Abderrahmane ayaa sheegay in “dowladda Jamhuuriyadda Chad ay ogeysiisay ra’yiga dadweynaha gudaha iyo kan caalamiga ah go’aankeeda ah in ay ka baxdo heshiiska iskaashiga difaaca ee ay la saxiixatay Jamhuuriyadda Faransiiska.”
Ku dhawaad kun askari oo Faransiis ah ayaa ku sugnaa Chad, oo tan iyo 2021 uu xukumayay General Mohamed Idriss Déby, oo ah mid ka mid ah xulafada kooban ee Faransiiska ee Afrika.
Madaxweynaha Senegal, Baciro Diomaye Faye, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in joogitaanka saldhigyada milateri ee Faransiiska ee dalkiisa ay ka hor imaaneyso madaxbannaanida qaranka.
Saameynta Faransiiska ee dalalkii hore ee gumeysan jiray ee dhaca galbeedka Afrika ayaa sii wiiqantay kadib markii xukuumadaha cusub ee Mali, Burkina Faso, iyo Niger ay ciidamada Faransiiska ka eryeen dalalkooda.
Warqabadka HBN Online TV