Dowladad Soomaaaliya oo soo bandhigtay Ciidamadii ugu badnaa ee kaga soo biira Jubbaland

Ciidamo la sheeegay inay ka tirsanaayeen maamulka Jubbaland, ahaane kuwii ugu badnaa oo ka soo taga ayaa maanta dowladda Soomaaliya ku soo bandhigtay goob aan la sheegin halka ay tahay.

Sida lagu baahiyey muuqaal barta gaarka ah ee Telefishinka afka dowladda Soomaaliya ku leeyahay Telegram, ciidamada ayaa waxaa ka soo muuqday saraakiil iyo ciidamo sheegay in si iskooda ah ugu soo biireen ciidamada dowaldda.

Taliyihii maamulka Jubbland ee deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose Maxamed Cabdi oo ka soo muuqda muuqaalka ciidamada dowladda soo bandhigtay ayaa sheegay in go’aankan ay u qaateen isaga iyo askarta la socotaba si iskood ah fikirka dowladda.

Waxaa uu ku eedeeyey maamulka Jubbaland sida uu hadalka u dhigay in wax daryeel ah aanay ka heli jirin, iyada oo taasi bedelkeeda ay isaga soo tageen.

Warka lagu baahiyey bogga Telegram ee dowladda ayaa lagu yiri ” Ciidamadii ugu Badnaa ayaa maanta ka baxay garabka Axmed Madoobe, 200 oo askari ayaa safka Ciidanka Qaranka ku soo biiray sida ay Saraakiisha xaqiijiyeen”.

Waa maalinkii seddexaad oo ciidamo kaga soo biiraan ciidamada dowladda geystay Jubbada hoose maamulka Jubbaland, halka qaarkood la sheegay in magaalada Muqdisho loo soo qaaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed